Munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan laguna maamuusayay 60 sano guuradii ka soo wareegatay xornimada Dalka iyo israacii labada Gobolka ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne.
Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka Gobolka Hiiraan looga arrimiyo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirro iyo Xildhibaanno Hirshabelle ka mid ah, maamulka gobolka Hiiraan, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada.
Madaxdii ka qeyb gashay xuska 60 guurada ka soo wareegtay xornimada dalka ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay todobaadka xorriyadda iyo sida loogu baahanyahay jiilka hadda soo baxaya inay bartaan taariikhda xorriyadda Soomaaliya ay soo martay.
Sidii caadada ahayd madaxda kala duwan ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qalabka Sida, markii ay saacadda ku beegneyd xilliga kala wareegga saacadda ee 12:00 AM saqda dhexe ee xalay.
Xuska 1-da Luulyo ee Beledweyne lagu qabtay sannadkan ayaa ka duwaneed kuwii hore, waxaana munaasabadan laga dheehan karay agaasin sare iyo dhallinyaro Rag iyo Dumar isugu jira oo u istaaagay in ay weyneeyaan toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.