Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya Cad-ceeda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya  Cad-ceeda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashuurcani lagu hirgalinayo Leerarka korontada ah ee ku shaqeeya cad-ceeda (Solar System) ayaa waxaa iska-kaashanaya dowladda Norway iyo maamulka gobolka Hiiraan, waxaana mashuuraca qeybtiisii koowaad laga bilaabay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa daahfuray wajiga koowaad ee mashruucan lagu dhigayo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Solar ku shaqeeya cad-cadeeda oo meesha ka saari doona dhibaatadii dhinaca korantada ee markii hore ka jirta isbitaalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Hirgalinta habka quwada korontada ee cad-ceeda ku shaqeysa xir-xirista Solarrada lagu rakibayo isbitaalka waxaa gacan ka geysanaya Injineero ajnabi ah oo gaaray magaalada Beledweyne, kuwaa oo durbaba howl-gallay.

Agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif oo war-baahinta la hadlay ayaa uga mahad-celiyay dalka Norway iyo maamulka gobolka Hiiraan Solarrada ay ku ugu deeqeen isbitaalka oo sidda uu sheegay baahi-weyn loo qabay.

”Mar marka qaar waxaa dhici jirtay iyadoo qaliin lagu jirro in korontadu cilad ku timaado, amaba uu matoorku dammo, taasoo dhibaato weyn ku aheyd howsha isbitaalka iyo adeegii caafimaad ee loo sameyn lahaa qofka bukaanka ah, laakiin haddii uu qorshahan her-gallo waxaa hubaal ah in taa laga gudbi doonno ayuu yiri” agaasimaha isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in qorshan uu yahay mid bilow ah, balse mustaqbalka dhaw doonayaan inay ku ballaariyaan quwada korontada cad-ceeda ku shaqeysa guud ahaanba qeybaha uu gobolka ka kooban yahay.

”Isbitaalka runtii annaga muhiim gaar ah ayuu inoo leeyahay, waayo waa goob caafimaad, oo u baahan in si gaar ah baahida ka jirta loola socdo, waana tan keentay in aan ku bilaawnno mashruuca korontada ku shaqeysa cad-ceeda ayuu yiri ” guddoomiyaha maamulka gobolka.

Sidoo kale hareeraha wadada halbowlaha u ah magaalada ayaa waxaa laga bilaabay dhismaha baalayaal la doonayo in lagu xiro nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda oo ah qayb ka mid ah mashruuca dowladda Norway ugu talo-gashay gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa si weyn u soo dhaweeyay hormarka ka jira gobolka, iyagoo xusay in nalalka lagu xirayo hareeraha wadda qayb-weyn ka noqon karaan sugida ammniga, madaama qofka xiligii uu doonno uu socon karo.

Previous Post

Ganacsato Boob Loogu Geystay South Africa Oo Dib U Bilaabay Howlahooda “Sawirro”

Next Post

Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

Next Post

Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In