Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya Cad-ceeda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya  Cad-ceeda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashuurcani lagu hirgalinayo Leerarka korontada ah ee ku shaqeeya cad-ceeda (Solar System) ayaa waxaa iska-kaashanaya dowladda Norway iyo maamulka gobolka Hiiraan, waxaana mashuuraca qeybtiisii koowaad laga bilaabay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa daahfuray wajiga koowaad ee mashruucan lagu dhigayo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Solar ku shaqeeya cad-cadeeda oo meesha ka saari doona dhibaatadii dhinaca korantada ee markii hore ka jirta isbitaalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025

Hirgalinta habka quwada korontada ee cad-ceeda ku shaqeysa xir-xirista Solarrada lagu rakibayo isbitaalka waxaa gacan ka geysanaya Injineero ajnabi ah oo gaaray magaalada Beledweyne, kuwaa oo durbaba howl-gallay.

Agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif oo war-baahinta la hadlay ayaa uga mahad-celiyay dalka Norway iyo maamulka gobolka Hiiraan Solarrada ay ku ugu deeqeen isbitaalka oo sidda uu sheegay baahi-weyn loo qabay.

”Mar marka qaar waxaa dhici jirtay iyadoo qaliin lagu jirro in korontadu cilad ku timaado, amaba uu matoorku dammo, taasoo dhibaato weyn ku aheyd howsha isbitaalka iyo adeegii caafimaad ee loo sameyn lahaa qofka bukaanka ah, laakiin haddii uu qorshahan her-gallo waxaa hubaal ah in taa laga gudbi doonno ayuu yiri” agaasimaha isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in qorshan uu yahay mid bilow ah, balse mustaqbalka dhaw doonayaan inay ku ballaariyaan quwada korontada cad-ceeda ku shaqeysa guud ahaanba qeybaha uu gobolka ka kooban yahay.

”Isbitaalka runtii annaga muhiim gaar ah ayuu inoo leeyahay, waayo waa goob caafimaad, oo u baahan in si gaar ah baahida ka jirta loola socdo, waana tan keentay in aan ku bilaawnno mashruuca korontada ku shaqeysa cad-ceeda ayuu yiri ” guddoomiyaha maamulka gobolka.

Sidoo kale hareeraha wadada halbowlaha u ah magaalada ayaa waxaa laga bilaabay dhismaha baalayaal la doonayo in lagu xiro nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda oo ah qayb ka mid ah mashruuca dowladda Norway ugu talo-gashay gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa si weyn u soo dhaweeyay hormarka ka jira gobolka, iyagoo xusay in nalalka lagu xirayo hareeraha wadda qayb-weyn ka noqon karaan sugida ammniga, madaama qofka xiligii uu doonno uu socon karo.

Previous Post

Ganacsato Boob Loogu Geystay South Africa Oo Dib U Bilaabay Howlahooda “Sawirro”

Next Post

Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

Next Post

Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

November 13, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In