Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay bukaanno ku jira Isbitaal Madiina “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay bukaanno ku jira Isbitaal Madiina “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq afurin ah oo ka kooban  raashin biseyl ah u qeybisay bukaanno ku jira Isbitaalka Madiina ee degmada Wadajir, halkaasi oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 150-qoys, waxaana goobta lagu qeybinayay afurinta  ay goob joog ka ahaayeen Cali Cabdul Daacad oo ah sarkaal hay’adda ay u soo wakiilatay qeybtan deeqdaan.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay wakiilka hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Cali Cabdul Daacad oo tilmaamay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay macaawino ay dowladda Imaaradaka ugu talagashay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan macaawinada nuucaan oo kale ah oo ay gaarsiin doonaan dadka tabaaleysan ee aan awoodin inay afurka iska bixiyaan.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Mudane daacad ayaa hoosta ka xariiqay in ay bisha cas imaaraadka ay kafaalad qaaday afurinta in ku dhaw 5,000 (shan kun oo qof), kuwaasi oo ku dhaqan degmooyinka gobolka, isla markaana deeq kale u qeybin doonaan waalidiinta aan carruurta xilliyada cidda dharka u iibin Karin, si loo farxad geliyo carruurta yar yar.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystay raashinka bisil ee afurinta ah ayaa uga mahad celiyay kaalmooyinka ay mar waliba la garab taaganyihiin  hay’adda bisha cas Imaaraadka Carabta dadka ku tabaaleysan degmooyinka gobolka Banaadir.

IMG_9543 IMG_9890 IMG_9894 IMG_9901 IMG_9906 IMG_9908 IMG_9911 IMG_9917 IMG_9923

 

Previous Post

Sanad guurada 1aad ee Radio Muqdisho codka ciidamada qalabka sida oo la xusay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Bakool “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Bakool “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah guddoonsiisay maamulka Gobolka Bakool "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In