Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boliiska gobolka Galgaduud oo sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan isbaarooyinka la dhigto wadooyinka gobolka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Oo Meel Wanaagsan Mareysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili mudooyinkii dambe wadada dheer ee xiriirisa gobolada Dhexe gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Galagaduud lagu arkayey kooxo xilaga habeenkii ah isbaaro dhigta isla markaana ku dhibaateeya dadka safarka ah ayaa taliska Booliiska gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Dhuusamareeb waxaa uu ku goodiyey in talaabo adag arintaasi laga qaadi doono.

Taliyaha Booliiska degmada Dhuusamareeb C/lahi Guuleed Karar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii lagu qabto inay isbaaro dhiganayaan wadada dheer ee laamiga ah sidoo kalana loo saameeyey ciidamo habeenkii roondeeya kana hortaga kooxaha dhibaatada ku haya dadka shacabka ah isagoona hoosta ka xariiqay inaan la cafin doonin cidii lagu qabto iyagoo dadka shacabka ah dhibaateynaya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

” Wax alaale iyo wixii isbaaro dhigta nuuc kastaba ha noqotee anagu hadii aan indhaha saarno xataa xabsi ma gaynayno madaxa ayaan ka jaraynaa Maamulka Gobolka waa isku ognahay hadii aan nahay ciidamada sida Booliiska iyo Nabad sugida wixii lagu soo qabtana maxkamad ayaa la gayn doonaa”Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Degmada Dhusaamreb C/lahi Guuleed Karar.

Arintani ayaa timid ka dib markii kooxahani ay xilaga habeenkii ah ku soo badanayeen mudooyinkii la soo dhaafay wadada dheer ee laamiga ah ee marta gobolka Galgaduud ee bartaha Soomaaliya ciidamada Booliiskuna waxaa ay sheegeen in howlgalo kala duwan la samayn doono kuwaas oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka isku dayaya dadka wadada adeegsada inay dhibaateeyaan.

W/D:Maxamed Deeq Cabdi Maxamed Galgaduud

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo xariga jaray Waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan”SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo xariga jaray Waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan”SAWIRRO”

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo xariga jaray Waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan”SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In