Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boliiska gobolka Galgaduud oo sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan isbaarooyinka la dhigto wadooyinka gobolka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 29, 2015
in Wararka
0
Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Oo Meel Wanaagsan Mareysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili mudooyinkii dambe wadada dheer ee xiriirisa gobolada Dhexe gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Galagaduud lagu arkayey kooxo xilaga habeenkii ah isbaaro dhigta isla markaana ku dhibaateeya dadka safarka ah ayaa taliska Booliiska gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Dhuusamareeb waxaa uu ku goodiyey in talaabo adag arintaasi laga qaadi doono.

Taliyaha Booliiska degmada Dhuusamareeb C/lahi Guuleed Karar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii lagu qabto inay isbaaro dhiganayaan wadada dheer ee laamiga ah sidoo kalana loo saameeyey ciidamo habeenkii roondeeya kana hortaga kooxaha dhibaatada ku haya dadka shacabka ah isagoona hoosta ka xariiqay inaan la cafin doonin cidii lagu qabto iyagoo dadka shacabka ah dhibaateynaya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

” Wax alaale iyo wixii isbaaro dhigta nuuc kastaba ha noqotee anagu hadii aan indhaha saarno xataa xabsi ma gaynayno madaxa ayaan ka jaraynaa Maamulka Gobolka waa isku ognahay hadii aan nahay ciidamada sida Booliiska iyo Nabad sugida wixii lagu soo qabtana maxkamad ayaa la gayn doonaa”Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Degmada Dhusaamreb C/lahi Guuleed Karar.

Arintani ayaa timid ka dib markii kooxahani ay xilaga habeenkii ah ku soo badanayeen mudooyinkii la soo dhaafay wadada dheer ee laamiga ah ee marta gobolka Galgaduud ee bartaha Soomaaliya ciidamada Booliiskuna waxaa ay sheegeen in howlgalo kala duwan la samayn doono kuwaas oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka isku dayaya dadka wadada adeegsada inay dhibaateeyaan.

W/D:Maxamed Deeq Cabdi Maxamed Galgaduud

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo xariga jaray Waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan”SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo xariga jaray Waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan”SAWIRRO”

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo xariga jaray Waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan”SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In