Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boliiska Kenya oo xirey 7 ruux oo Soomaali ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Boliiska Kenya oo xirey 7 ruux oo Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boliiska deegaanka Lari ayaa xabsiga u taxaabay 7 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah ku soo galeen dalka Kenya sida ay warbaahinta dalkaasi ay u sheegeen saraakiisha Boliiska Kenya.

Dadkan Soomaalida ayaa laga qabtay xilli ay marayeen Wadada Nakuru ee gasha magaalada Nairobi, daraawalkii waday gaariga dadka la qab qabtay ay saarnaayeen oo lagu magacaaabo Gerald Ochieng, ayaa isku dayay in uu baxsado hase yeeshee ugu dambeyntii waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Boliiska.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

6 kamid ah dadka Soomaalida ah oo Boliiska ay qabteen midkoodna kuma hadlaynin Luuqadaha Kiswahili iyo English marka laga reebo hal qof oo ku hadli karay Luuqada English-ka.

Madaxa Boliiska deegaanka Lari Alfred Makoma ayaa sheegay in 4 Dumar ah 3 Nin ay si sharci daro ah ku soo galeen dalka Kenya iyagoo sheegay in ay ku sii jeedaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Eastleigh oo ku taala magaalada Nairobi.

“ waxay haysteen waxyaabaha shakhsigu si gaarka ah u leeyahay sida Dharka oo kale laakiin ma aysan haysanin wax documenti ah ” ayuu yiri Makoma.

Isagoo intaa ku daray in saraakiisha wadada roondeynaysay ay Jidka ku joojiyeen gaariga balse wadaha gaariga uu isku dayay in uu si xawli ah ku dhaafo waxaana lagu horgooyay gaari kale taas oo keentay qabashada gaarigan.

Makoma oo ah Taliyaha Boliiska deegaanka Lari ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah oo ay qabteen magacyadooda ay kala yihiin Cabubakar Faraax, Xussein Cali, Xassan Gail, Najima Faraax, Nashen Cabdbulahi, Nurro Cadow and Xabiibo Jillo.

“waxaan dareensanahay in wadaha gaariga uu qarinaayo akhbaar muhiim ah,sidaa darteed waxaan sameynay diiwaangelinay gaariga si loogu sheego qofka iska leh gaariga Lab iyo Dhegid mid kuu yahay si loo ogaado qofkii soo kireystay gaariga maalintaas” ayuu hadalkiis ku daray Makoma.

Taliyaha Boliiska ayaa sheegay in dadkan Maxkamad la horgeyn doono si loogi oogo dambi ah in ay sharci daro ku soo galeen wadanka Kenya.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Lari Mr Mburu Kahangara ayaa amaanay Ciidanka Boliiska sida ay u feejigan yihiin xilli dalka uu wajahayo weerero argagaxisinimo.

Previous Post

Isku Aadka Quarter Finalka Koobka Champions League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post

Isku Aadka Quarter Finalka Koobka UEFA Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post
Isku Aadka Quarter Finalka Koobka UEFA Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Isku Aadka Quarter Finalka Koobka UEFA Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In