Heyโadda Tayo Dhowrka oo kaashanaysa Booliska iyo Xeer illaalinta Qaranka ayaa degmada Gubadley ku gubay Raashin dhacay.
Rashiinkaan oo gaarayay 2,000 kiish oo Bur dhacay ah kaa oo laga qabtay Dekadda Muqdisho,waxna baaris kadib Hayโadda Taya dhowrku ay sheegtay in uu yahay mid dhacay.
Agaasimaha Kormeerka Heyโadda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi oo goobta lagu gubay rashiinkan ka hadlay ayaa yiriโGanacsatada Soomaaliyeed bulshada haka daayaan waxyaabaha dhacay ee noloshaada qatarta ku ah inay soo iibiyaan.
Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad ayaa ganacsatada soomaaliyeed kaga digay in aan dalka lasoo galin karin Rashiin dhacay baaritaana lagu sameynayo cid kasta oo ku lugyeelata soo galinta dalka Rashiinka Dhacay.
โBaaris ayaa ku socota cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga raashinka dhacay.โ
Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad