Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska Belgiumka oo toogtay Nin Asalkiisa Soomaali yahay oo mindi ku dhaawacay askar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Booliska Belgiumka oo toogtay Nin Asalkiisa Soomaali yahay oo mindi ku dhaawacay askar

A police officer stands at a cordon after police arrested a man carrying a knife outside Buckingham Palace in London, Britain, August 25, 2017. REUTERS/Hannah McKay TPX IMAGES OF THE DAY

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Booliska magaalada Brussels ee Dalka Belgiumka ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay in uu toorey ku dhaawacay labo kamid ah Militariga dalkaasi, kadib markii uu si kedis ah u weeraray.

Ninkan oo 30 sano jir ahaa, oo haysta dhalashada dalkaasi, ayaa Asal ahaan la sheegay in uu soo jeedo Soomaaliya sida ay warbaahinta caalamku ay baahinayso, waxaana askarta uu mindida uu ku weeraray uu soo gaarey dhaawac fudud.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa sheegay in ninkan oo aan horey lagu aqoonin falalka Argagixisanimo uu ku dhawaaqayay Allahu Akbar, xiligii uu weerarka ka geysanayay meel dad badan ay socdeen oo waddo laami ah.

Go’aanka falkani ayaa loo wareejiyay maxakamada heer Federaal ah, Haweeney Afhayeen ah oo u hadashey maxakamadda Federaalka Dalkaasi ayaa sheegtay in falkaasi loo aqoon saday in uu yahay isku day fal Argagixisanimo..

Duqa magaalada Brussels Philip Close ayaa sheegay in uu jirey heegan ballaaran oo amaanka la xiriira, waxaana Amaanka dalkaasi siweyn loo adkeeyey wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay magaalooyinka Paris  2015 iyo  Brussels  2016.

Previous Post

Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaraha XFS oo London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Next Post

Duufaan ku dhufatay Mareykanka iyo Dowladda oo ku dhawaaqday musiibo Qaran

Next Post
Dhageyso Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo lala yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Duufaan ku dhufatay Mareykanka iyo Dowladda oo ku dhawaaqday musiibo Qaran

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In