Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska oo soo bandhigay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda todobaadkii la soo dhaafay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Booliska oo soo bandhigay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda todobaadkii la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa Warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa Warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkaan, isaga oo sheegay in September 27, 2023-ka Khawaarijta ay miino dheemish ah ay u dhigeen guri uu leeyahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Kaaraan, balse aysan geysan wax khasaare ah, iyada oo markii dambe Ciidamada amniga ay ku baxeen.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Halwadaag gaar ahaan waaxda Carta, September 29, 2023-ka uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada Wiil yar, oo 7 jir ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray; Xasan Ibraahim Xuseen, isaga oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray gaariga oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan PL.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan darwalkii waday gaariga, isaga oo afhayeenka xusay in uu hadda xiran yahay darawalka.

30 September 2023-ka hawlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee Ciidamada, ayaa laga fuliyey degmada Waaber, waxaana gacanta lagu soo dhigay 40 kartoon oo ay ku jireen dhalooyin Khamri ah iyo dadkii lahaa.

Subaxnimadii hore ee October 1, 2023-ka waxaa Hoobiyaal lagu soo tuuray xaafadda Tarabuush ee waaxda Timacade ee degmada Wadajir, iyada oo halkaas khasaare ay ka soo gaareen lab qoysa, waxaana ku dhaawacantay 4 dumar ah iyo hal rag.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska oo hawgal ka sameeyey degmada Wadajira ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan, eedeesane Cabdulqaadir Maxamed Afrax oo ahaa furo hayihii xabsiga Booliiska Degmada Beledweyne, kaas oo maxaabiis ka baxsatay xabsiga darteed uga soo baxsday Magaalada Beledweyne.

3 October 2023-ka degmada Waaberi gaar ahaan laanta Horseed ayaa mid ka mid ah muruqmaal ka shaqeenayey guri dabaq ah oo dhismihiisa socday ka soo dhacay, kaas oo geeriyooday, Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay in ay kiiskaan ku wareejiyaan Maxkamadda.

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Akhriso mqgacyada horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu dilay howlgallada ka socda Galmudug iyo Hirshabelle

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Akhriso mqgacyada horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu dilay howlgallada ka socda Galmudug iyo Hirshabelle

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In