Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada Deegaanka Galinsoor oo codsaday in laga caawiyo adeegyada Bulshada “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 24, 2019
in Wararka
0
Bulshada Deegaanka Galinsoor oo codsaday in laga caawiyo adeegyada Bulshada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Galinsoor oo  ka mida deegaanada ku yaala xadka kala qeybiya
gobalada Mudug iyo Galguduud ayaa bulshada ku nool  waxaa soo
foodsaaray dhibaatooyin la xariira adeegyada Aas-aaska u ah nolasha iyo
horumarka bulshada sida ay Warbaahinta qaranka ugu warameen xilli
Galinsoor uu booqday  Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug oo isagu
kormeero xaqiiqo raadin ah ku mari doona deegaanada ku yaala dhanka
galbeed ee gobalka Mudug qaar ka mida Waxgaradka iyo masuuliyiinta
maamulka deegaankaasi kuwaasi oo sheegay in hay’adaha iyo maamulada
labada gobal ay isku haleeyeen taasina ay sababtay in bulshada
deegaankaasi iyo deegaanada hoostaga ay wehel u noqdaan caafimaad
la´aan waxbarasho la´aan iyo  hoos u dhac aad u weyn.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa sheegay in
maamulada labada Gobal ee Mudug iyo Galguduud ay ka wada shaqeyn
doonaan xalinta dhibaatooyinka ka jira Galinsoor.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Dhinaca kalana Gudoomiyaha gobalka Mudug ayaa kala qeyb qaatay
bulshada iyo maamulka deegaankaasi dhagax dhiga xarun caafimaad
Garoonka Cayaaraha isagoo sidoo kormeeray dhismaha xarunta maamulka
deegaankaasi oo si isku tashi ah ay ku dhisanayaan bulshada Galinsoor
iyagoona mashaariicda lagu dhisayo isku tashiga ay ugu magac dareen.

Gudoomiayaha Gobalka mudug Mudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa
sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu kormeero ku aadan ka
war doonista baahiyada ka jira deegaanada Gobalka Mudug uu ku tago
qaar ka mida deegaanada ku yaala Galbeedka Gobalka mudug kuwaas oo
mudooyinkii u danbeeyay laga soo sheegayay dhibaatooyin la xariira
dhanka amniga baahiyada adeegyada asaaska u ah nolasha aadanaha.

W/Q Wariye C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Casho Sharaf sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo”Sawirro”

Next Post

Shirka Wada-tashiga Qorshaha Istiraatiijiyada Qaran ee xakameynta Daacuunka oo ka furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Shirka Wada-tashiga Qorshaha Istiraatiijiyada Qaran ee xakameynta Daacuunka oo ka furmay Muqdisho “Sawirro”

Shirka Wada-tashiga Qorshaha Istiraatiijiyada Qaran ee xakameynta Daacuunka oo ka furmay Muqdisho "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In