Garoonka diyaarada Degmada Waajid oo ah waddada keliya ee u furan magaalada Waajid ayaa ganacsatada u isticmaalaan keenista waxyaabaha lagama maar maanka ah iyo cidkasta oo ka safraysa ama u safraysa magaalada Waajid taas waxa sababay go’doominta waddooyinka soo gala magaalada oo maleeshiyada Al-Shabaab horey u go’doomiyeen.
Garoonka diyaaradaha Degmada Waajid ayaa maanta waxa ka bilowday barnaamij isxilqaan oo lagu hagaajinayo garoonka iyo dhinacyadiisa, qaar ka mid ah bulshada isxilqaanka qeyb gashay ayaa sheegay sida ay ugu heelanyihiin barnaamijka.
Guddoomiyaha Degmada Waajid mudane Maxamed Macalin Yuusuf oo bulshada kala qeyb galay barnaamijka isxilqaan ayaa bulshada Waajid ku aamay sida ay u garab taaganyihiin maamulka degmada, ayna ka go’antahay inay dib u habeyn ku sameeyaan garoonka diyaaradaha Degmada Waajid ee Gobolka Baay.