Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dallkan Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa kala qeyb-galay kooxda saxafiyiinta Nairobi ciyaar kubadda cagta ah oo ka tirsan koobka Ramadaanka ee xaafadda Islii, isagoo kadibna afur u sameeyay Saxafiyiinta Nairobi ku sugan oo ay hoggaaminayeen agaasimayaasha telefishinnada Soomaalida ee xarumahaku leh Kenya.

Danjirihii hore Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa saxafiyiinta ku taageeray dedaalkooda,isagoo ugu hambalyeeyay bisha Ramadaan una rajeeyay in ay guul ka keenaan tartanka sanadkan maadaama sanadkii hore ay finalka gaareen.

Related posts

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026

Cali Americo ayaa ku amaanay saxafiyiinta sida ay isugu xiran yihiin, iskuna caawiyaan xilli kasta, kuna tilmaamay isboortiga in uu muhiim u yahay isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Isboortiga Soomaaliyeed ee dalkani Kenya Khaliif Cali Axmed ayaa danjiraha ku soo dhaweeyay garoonka,isagoo uga mahad celiyay taageerada uu la garab taagan yahay bahda isboortiga iyo Saxafiyiinta.

Sidoo kale guddoomiyaha saxafiyiinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee Kenya Maxamed Cismaan Xuseen (New York), ayaa ku tilmaamay booqashada Danjire Cali Ameeriko mid niyad dhis iyo dhiirri-gelin siineysa kooxda saxafiyiinta iyo guud ahaan ka qeyb-galayaasha Tartanka koobka Ramadaanka ee ka socda xaafada Islii.

Ciyaartii shalay oo aheyd kulankii labaad ee kooxda saxafiyiinta ayaa looga adkaaday 2-1 kooxda Saxafiyiinta,waxana u harsan seddex kulan,iyagoo ku jira Group-ka B, waxeyna leeyihiin rajo ay ugu soo gudbi karaan Semi-Finalka.​

Dhinaca Danjirihii hore ee safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya,isagoo uga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyeen mudadii uu xafiiska hayay.

Wariyaasha ayaa sidoo kale Safiirka ku amaanay sidii uu mar kasta ula socon jiray xaaladahooda iyo dhibaatooyinka ku soo kordho.

Dowlada Soomaaliya ayaa bedeshay Danjire Maxamed Cali Nuur Americo kadib markii ku dhawaad todobo sano uu ahaa danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalkani Kenya.

Cali ght gyt hyt IMG_0004 IMG_0010 IMG_0011 IMG_0014 IMG_0016 IMG_0017 IMG_0028 IMG_0029 IMG_0030 IMG_0031 IMG_0034 IMG_0036 IMG_0041 IMG_0042 IMG_0043 IMG_0051 IMG_0053 IMG_0054 IMG_0061 IMG_0062 IMG_0064 IMG_0065 IMG_0069 IMG_0072 IMG_0075 IMG_0079 IMG_0080 IMG_0082 IMG_0083 IMG_0084 yg yhtg

Sawir qaade: C/raxmaan Somali

Previous Post

Madaxweynaha:’Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya”-Sawirro

Next Post

Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada “Sawirro”

Next Post
Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada “Sawirro”

Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada "Sawirro"

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay  shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo ku eedeysan inuu ku...

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya ee Canada iyo Mareykanka Danjire Daahir Xasan Cabdi , Wasiirro hore iyo dad caan ah ayaa magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In