Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cameroon: Caro Ka Dhalatay Gabar Dhalinyaro ah oo Qoorta Laga Gooyay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Cameroon: Caro Ka Dhalatay Gabar Dhalinyaro ah oo Qoorta Laga Gooyay

Hundreds of supporters raise their arms and wave the national flag while waiting to greet Cameroonian opposition leader Maurice Kamto in Yaounde on october 5, 2019 the day of his release from prison. - Cameroon's main opposition leader Maurice Kamto walked free from jail on October 5, 2019 after a military court ordered his release at the behest of veteran President Paul Biya. (Photo by STRINGER / AFP) (Photo by STRINGER/AFP via Getty Images)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxaha xuquuqul insaanka dalka Cameroon ayaa Arbacadii cambaareeyay dilka gabar ka soo jeeda gobolka Af-Ingiriiska lagaga hadlo ee dalkaas, muuqaal baraha bulshada la soo geliyay ayaa lagu arkay koox ka tirsan gooni u goosadka gobolkaas oo gabadha qoorta ka gooyay.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqday gabadha oo gacamaheeda gedaal loo xirey ka dibna baagad lagu kala gooyay luqunteeda waxayna meydka soo dhigeen waddada bartamaheeda.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Xarunta xuquuqul insaanka iyo demoqraadiyada Afrika oo fadhigeedu yahay Cameroon ee CHRD ayaa sheegtay in dhibanaha ay aheyd 35 sano jir hooyo u ah affar caruur ah Tallaadadii lagu dilay magaalada Muyunka, falkaas oo ay geysteen dagaalamayaal ka tirsan gooni u goosadka gobolka kuwaas oo ku eedeeyay in ay u basaasaysay dowladda.

Colaadda u dhexeysay kuwa doonaya in gobolka Af-Ingiriiska lagaga hadlo ee Camaroon uu ka madax banaanaado dalka intiisa kale iyo dowladda dalkaas ayaa waxaa ku dhintay 3,000 oo ruux tan iyo 2017 labada dhinac midba kan kale ayuu ku eedeeyaa xadgudubyada dhanka ah shacabka.

Agaasimaha CHRDA Felix Agbor Nkongho ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dhacdadan ay sii xumeyn karto xaaladda nabad geliyo ee gobolka af-ingiriiska lagaga hadlo ee Koofur galbeed iyo waqooyi galbeed ee dalka Camaroon.

“Waxaa kordhay xadgudubyada loo geysto shacabka gaar ahaan dumarka,” ayuu yiri.

Ilaria Allegrozzi, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan hey’adda Human Rights Watch, ayaa madaxda mucaaradda ugu baaqay in ay gacan ka geystaan isla markaana joojiyaan weerarada ka dhanka ah shacabka.

Kooxda ugu weyn mucaaradda ayaa war qoraal ah ku sheegay in baaritaanada hor u dhaca ah ifineyaan in dilka uu la xiriiro muran soo kala dhexgalay qoys ee uusan wax xiriir ah la laheyd halgankooda, laakiin waxaa ay sameyn doonaan baaritaan dheeraad ah.

Cho Ayaba, oo ah hogaamiyaha kooxaha gooni u goosadka, ayaa sheegay in lagu wargeliyay in dilka uu fuliyay qof kamid ah maleeshiyaadka mucaaradda ah isla markaana xabsiga loo tabaaxay.

“Waa wax aan la aqbali Karin in qof  la jir-dilo kadibna la dilo xataa haddii uu yahay sarkaal militiri oo la soo qabtay,” ayuu yiri.

Todobaadkii hore, shaqaale gargaar oo u dhashay Cameroon ayaa lagu dilay gobolka Waqooyi Galbeed ee dalkaas, safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo arrintaas.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 13-08-2020

Next Post

Suudaan Oo Ay Ka Dhaceen Dagaal Beeleedyo Lagu Hoobtay

Next Post
Suudaan Oo Ay Ka Dhaceen Dagaal Beeleedyo Lagu Hoobtay

Suudaan Oo Ay Ka Dhaceen Dagaal Beeleedyo Lagu Hoobtay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In