Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cayilka waa nafaqa daro-daraasad cusub

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Cayilka waa nafaqa daro-daraasad cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nafaqadarada ayaa aduunka ku baahday, waxaana soo kordhay cayilka oo ah macluul, sida lagu sheegay daraasad cusub.

Qolada daraasadda sameysay oo la yiraahdo 2016 Global Nutrition Report  ayaa sheegay in  44%  wadamada laga sameeyay uu aad u hooseeyo heerka nafaqadarada iyo cayilka.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Daraasaddan oo laga sameeyay 129 wadanka ayaa soo bandhigtay in sadexdii qofka mid kamid ah uu la il-daran yahay nafaqadaro.

Dhaqan ahaan nafaqadarada ayaa lala xiriiriyaa carruurta taas oo ku keenta cuduro kale oo macluusha keento.

Inkastoo horumar badan laga sameeyay sidii arintan wax looga qaban lahaa hadana waxaa jira caqabado badan oo caalamka ka heysta tirada sii kordheysa ee cayilka.

Tirada cayilka ee sii kordheya ayaa daraasadda lagu sheegay in meel kasta oo caalamka kamid ah ay ka dhacdo isla markaana aysan jirin gobol u gooni ah.

Boqolaal milyan oo ruux oo caalamka ku kala nool ayaa la daalaadhacaya nafaqadarada taas oo keenta buurida kuwaas jirkooda ay ka buuxsanto Sonkorta, Milixda iyo dhiigooda oo duxda ku badato(cholesterol) sida lagu sheegay daraasadda.

Professor Corinna Hawkes, oo daraasadda la guddoomiye ka aheyd ayaa tiri ” Darasaada waxaa ay dib u qeexeysaa  waxa uu aduunka u heystay nafaqadarada “.

” Nafaqadarada ayaa loolo jeedaa nafaqa xumo  taas oo ah in qofkasta oo aan heysan nafaqo ku filan.

” Waxaa laga yaabaa in aad tahay ruux aad u dhuuban, oo aan jirkiisa hilin laheyn ama in aad tahay qof aad u buuran amaba qof dhiigiisa ay Sonkorta u badan tahay taas oo keentay macaanka,”  ayay tiri.

Dalal badan ayaa ku howlan sidii loo yareen lahaa dhibaatadan isla markaana hoos loogu dhigi cayilka inkastoo u aad u yar yahay wax ka qabashada dhibaatada cayilka oo sababta xanuuno uu kamid yahay cudurada wadnaha.

Xaqiiqada daraasaddan ayaa ah tirada carruurta ee da’dooda ka hooseyso shanta sano ee jirkoodu buuran yahay ay ku dhow yihiin kuwa miisaankoodu hooseeyo.

Dr Lawrence, oo kamid ah dhakhaatiirtii daraasadda sameyay ayaa yiri ” Hadda waxaa ku nool nahay duni nafaqadarada ay caadi ka tahay.

Daraaasadda ayaa ku talisay in lacagta siyaasiyiinta ay sheegaan in ay dhibaatada ku yareynayaan hal doolar kasta oo kor loogu qaadayo heerka nafaqada ama barnaamijyada nafaqeynta uu u dhigmo 16 doolar oo lagu xaqiijinayo kuwa ka faa’ideysta barnaamijyadan.

Xigasho: BBC

 

Previous Post

Tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay Wareega labaad “DHAGEYSO+SAWIRRO”

Next Post

Puntland oo laamaha aniga ku amartay adkeynta ammaanka

Next Post
Puntland oo laamaha aniga ku amartay adkeynta ammaanka

Puntland oo laamaha aniga ku amartay adkeynta ammaanka

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In