Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay Wareega labaad “DHAGEYSO+SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay Wareega labaad “DHAGEYSO+SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo is xiga Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Kismaayo Vs Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Jubba Hoose iyo Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeya ayaa faah faahin ka bixiyay su’aal ay ka murmeyn tartamaayasha degmada Heliwaa, iyadoo laga qanciyay doodii ay qabeen.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Kismaayo iyo Heliwaa  iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Kismaayo iyo Heliwaa waxey noqotay sidan:-

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen 3 su’aal,  waxa ay si ka faa’iideysi ahaan u heleen labo su’aal oo ay soo hareermartay tartamayaasha degmada Heliwaa, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kismaayo ay heleen noqoneysaa 12 dhibcood (Labo iyo toban dhibcood).

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal,  halka ay iska qaldeen 5 u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kismaayo, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Heliwaa ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).

Hadaba kulankii 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo inta u tartanka socday ku badisay dhibcihii ugu badnaa, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar Jajab iyo Boondheere oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Halkan ka dhageyso tartanka 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Kowaad-ee-tartanka-13.06.2016.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Labaad-ee-tartanka-13.06.2016.mp3

DSC05174 DSC05177 DSC05178  DSC05184 DSC05185 DSC05188 DSC05191 DSC05192 DSC05199 DSC05200 DSC05201 DSC05202 DSC05203 DSC05204 DSC05207 DSC05210 DSC05212 DSC05214 DSC05216 DSC05218 DSC05220

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir 

Previous Post

Tartan Kubada Cagta ah oo lagu maamusayo bisha Ramadaan oo lagu qabtay Dalka South Africa “SAWIRRO”

Next Post

Cayilka waa nafaqa daro-daraasad cusub

Next Post
Cayilka waa nafaqa daro-daraasad cusub

Cayilka waa nafaqa daro-daraasad cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In