Guddomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Faarax Cabdi Macllin oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto dil dhawaan degmadaas loogu geystay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Cali Hudey.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in iskaashi badan oo ay sameyeen ciidamada Amaanka iyo maamulka degmada kadib lagu guleeystay in Gacanta lagu soo dhigo Gacan ku dhiiglaha oo ku dhumaleysanayay qeybo ka mid ah gobalka.