Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada amniga oo howlgallo xalay ka fuliyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 22, 2016
in Wararka
0
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Ciidamo Balays ah - SAWIR HORE

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen qaar ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir ku soo  qab qabtay dad lagu tuhmayo inay ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidmada ayaa howlkanka ka fuliyay Degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa, iyagoo ku soo qabtay 50 oo lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iminku ku socoto baaritaanno la xiriira tuhunka loo heysto.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Sidoo kale  ciidamada howlgallada ee wada jirka ah ayaa waxa ay sidoo kale howlgal balaaran ka fuliyen  Degmada Waabari kaas qaatay saacado badan ciidmadan oo isugu jiray  NISA booliska, Milateriga Asluubta iyo AMISOM ayaa waxa ay  dhamaan xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Degmada.

Hey’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa mid mid u baarayey guryaha kuyaala xaafadaha Degmada Waabari,  iyagoo si wanaagsan oo naxariis leh  ula dhaqmaayan shacabka Soomaaliyed,

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan isla markaana qaatay waqti badan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay 250 ruux, kuwasasi oo 22 qof oo kamid ah lagu qabtay iyagoo sameynaya lacagta dolarka Mareykanka oo been abuur ah, halka 21 ka kale lagu tuhmayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Afhayeenka gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa howlgalka kadib waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay tiro dad ah, baaritaanno ka dib la siiyay, ayna jiraan kuwa kale oo weli ay ku socoto howlo baaritaanno ah.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii dambe sii joogteynayey howlglalada lagu ciribtirayo Al-Shabaab si loo fashiliyo dhagarta ay u maleegan shacabka Soomaaliyed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo u ambabaxay dalka Turkiga

Next Post
Madaxweynaha: “Ugaas Khaliif waxa uu ahaa nin naftiisa u huray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta’’

Madaxweynaha oo u ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In