Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo u ambabaxay dalka Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 22, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Ugaas Khaliif waxa uu ahaa nin naftiisa u huray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo uu uga qeyb geli doono shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka furmo shirka madasha wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa ee dalka, Madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa dalka Turkia ka socda shir looga hadlayo maalgeshiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb galaya ganacsato Soomaali iyo turki isugu jirta, iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa si wada jir ah u furaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo dhigiisa dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu.

Previous Post

Ciidamada amniga oo howlgallo xalay ka fuliyay Muqdisho

Next Post

Ra’iisul wasaaraha oo furi doono shir dhaqaalaha Soomaaliya quseeya-Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaaraha oo furi doono shir dhaqaalaha Soomaaliya quseeya-Sawirro

Ra’iisul wasaaraha oo furi doono shir dhaqaalaha Soomaaliya quseeya-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In