Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo boolis oo hor leh oo loo diyaarinayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Saldhigga booliska ee deegaanka Xeraale oo u baahan dib u habeyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska qaybta Booliska Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso diyaarinta ciidamo boolis ah hor leh oo loo diyarainaya xoojinta amniga degmooyinka iyo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Taliyaha qeybta booliska ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud Kornayl Maxamed Jimcaale Cosoble oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay qorayaan ciidamado boolis ah oo cusub oo ka mid ah noqon doono ciidamada iminka ka howlgala Degmooyinka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isagoo intaa ku daray in ciidankaasi ay si gaar ah u qaabilsanaan doonaan sugidda amniga iyo ka hortagga firxadka maleeshiyaadka Shabaab ee gobolada Dhexe.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Kornayl Maxamed Jimcaale Cosoble ayaa xusay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay taliyeyaasha saldhigyada booliska ee labada Gobol, oo ay uga wada hadleen sidii ciidanka cusub loo siin lahaa tababaro, isagoo intaa ku daray in gaadiidkii ay ku shaqeyn lahaayeen goor hore la diyaariyay.

“Taliyeyaasha saldhigyada ayaan la kulmay waxaana isla garanay in tabar la siiyo askarta cusub, waxaa kaloo diyaar ah in marka uu tababarka u soo idlaado la qalabeyn doono, si ay u gutaan waajibaaka ka saaran sugidda amniga iyo ka hortagga waxkasta oo amni darro abuuri kara” ayuu Kornaylka hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

Previous Post

Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar

Next Post

Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Next Post
Dowladda Soomaaliya waxey ka digeysaa shirkadaha sharci darada ah u jooga dalka

Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In