Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo boolis oo hor leh oo loo diyaarinayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Saldhigga booliska ee deegaanka Xeraale oo u baahan dib u habeyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska qaybta Booliska Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso diyaarinta ciidamo boolis ah hor leh oo loo diyarainaya xoojinta amniga degmooyinka iyo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Taliyaha qeybta booliska ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud Kornayl Maxamed Jimcaale Cosoble oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay qorayaan ciidamado boolis ah oo cusub oo ka mid ah noqon doono ciidamada iminka ka howlgala Degmooyinka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isagoo intaa ku daray in ciidankaasi ay si gaar ah u qaabilsanaan doonaan sugidda amniga iyo ka hortagga firxadka maleeshiyaadka Shabaab ee gobolada Dhexe.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Kornayl Maxamed Jimcaale Cosoble ayaa xusay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay taliyeyaasha saldhigyada booliska ee labada Gobol, oo ay uga wada hadleen sidii ciidanka cusub loo siin lahaa tababaro, isagoo intaa ku daray in gaadiidkii ay ku shaqeyn lahaayeen goor hore la diyaariyay.

“Taliyeyaasha saldhigyada ayaan la kulmay waxaana isla garanay in tabar la siiyo askarta cusub, waxaa kaloo diyaar ah in marka uu tababarka u soo idlaado la qalabeyn doono, si ay u gutaan waajibaaka ka saaran sugidda amniga iyo ka hortagga waxkasta oo amni darro abuuri kara” ayuu Kornaylka hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

Previous Post

Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar

Next Post

Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Next Post
Dowladda Soomaaliya waxey ka digeysaa shirkadaha sharci darada ah u jooga dalka

Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In