Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Daaru-nicma iyo Tawakal, halkaas oo ay ku dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla duleedka deegaanka Daaru-nicma, halkaas oo lagu dilay horjooge Xasan Xuseen Xuurshow, oo loo yaqaanay Xasan Garabdheere.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee deegaannada Cadcaddeey, Cadaan-lexeey iyo Daaru-nicma, kuwaas oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyaadkii waardiyaha u ahaa horjoogaha, halka mid kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka lagu dhaawacay.

Sidoo kale, Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ka fuliyay isla maalintaas deegaanka Tawakal, halkaas oo ay ku dileen horjooge kale oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faadhuud.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa Kacaanka Shacabka ee ka dhanka ah argagixisada, kaas oo sii xoogeysanaya, iyadoo Ciidamada Deegaanka ay door muuqda ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Previous Post

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Next Post

Munaasabadda daahfurka mashaariicda Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) oo Muqdisho ka socota

Next Post
Munaasabadda daahfurka mashaariicda Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda daahfurka mashaariicda Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) oo Muqdisho ka socota

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In