Daraasiin ka mid ah gawaarida dagaalka ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay magaalada Nablus ee daanta galbeed, maanta oo Arbaco ah.
Dad Goob joogayaal ah ayaa ku waramay in markii magaalada ay galeen Ciidamada Israa’iil laga maqlay qaraxyo iyo dhawaqa rasaas ay is weydaarsanayeen Kooxaha Falastiiniyiinta iyo Ciidamadii Xoogga ku soo galay magaalada, sidokale wakiilka Muuqbaahiyaha Al-jazeera, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay isku gadaameen dhisma ku yaalla xaafadda Al-Yasmina ee magaalada Nablus, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad dhex maray ciidamada magaalada soo galay iyo kuwa wax iska caabinta falastiiniyiinta.
Ciidamada Israa’iil, ayaa bilahii ugu danbeeyay bilaabay Olole ay ku qabqabanayaan dhallinyarada Reer Falastiin, waxayna horay tiro dhallinyara ah ugu soo qabqabteen magaalooyinka Nablus, Jerusalam, Ramallah, Beytlaxam iyo Xebroon ee daanta galbeed.
Tan iyo bilowgii sanadkan, tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen Ciidamada Israa’iil waxay gaartay 215 qof, kuwaasi 159 ka mid ah ay ka soo jeedaan Daanta Galbeed, halka 52 ruurna la sheegay inay ka soo jeedaan Marinka Gaza.