Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Mareynkanka ee Africa oo amray in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Bariire

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Mareynkanka ee Africa oo amray in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Bariire
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Bariire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay.

Weerarka deegaanka Bariire lagu qaaday ayaa si wada jir ah waxaa u fuliyay Ciidamo Mareynkanka oo ku sugan Soomaaliyo iyo Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Col. Marka Cheadle,oo ah Afhayeenka Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay Adeega Baarista Danbiyada Badda iney raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii Ciidamo Soomaali oo kaashanaya Ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Go’aankaan ayaa ku soo aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay Ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Bariire lagu qaaday lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruur.

Mr. Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Bariire ay ku adkeysanayaan in weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley.

Weerarkii Bariire ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan shacab ka dib weerar ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Mareynkanka ee Soomaaliya ku sugan iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka Soomaaliya,waxaana weerar dhowr oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya lagu dilay Saraakiil muhiim u ahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Qudus u aqonsaday caasimadda Falastiin

Next Post

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Next Post
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In