Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Mareynkanka ee Africa oo amray in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Bariire

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 14, 2017
in Wararka
0
Ciidamada Mareynkanka ee Africa oo amray in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Bariire
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Bariire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay.

Weerarka deegaanka Bariire lagu qaaday ayaa si wada jir ah waxaa u fuliyay Ciidamo Mareynkanka oo ku sugan Soomaaliyo iyo Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Col. Marka Cheadle,oo ah Afhayeenka Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay Adeega Baarista Danbiyada Badda iney raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii Ciidamo Soomaali oo kaashanaya Ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Go’aankaan ayaa ku soo aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay Ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Bariire lagu qaaday lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruur.

Mr. Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Bariire ay ku adkeysanayaan in weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley.

Weerarkii Bariire ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan shacab ka dib weerar ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Mareynkanka ee Soomaaliya ku sugan iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka Soomaaliya,waxaana weerar dhowr oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya lagu dilay Saraakiil muhiim u ahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Qudus u aqonsaday caasimadda Falastiin

Next Post

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Next Post
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In