Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab Ka Sameeyay degaanada haanooy, Dooryaaley iyo Abashiiro, oo ka tirsan Gobalka Gedo.
Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliye Kuxigeenka Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobolka Gedo Gashaale Abdiqaadir Xuseen Ibraahim oo uu wehelliyo Taliyaha Nabadsugida Degmada.
Ciidamada ayaa howlgalkan sameeyay Kadib markii ay Cabasho kaga timid dadka degaanka kuwasi oo tabanaayay dhibaatooyin ay u geeysteen maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.