Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Ciraaq,dhanka kale Ciraaq oo Cambaareysay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Ciraaq,dhanka kale Ciraaq oo Cambaareysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada Turkiga ayaa gudaha u galay gobalka Mosuul ee waqooyiga Ciraaq, tilaabadan oo ay xukuumada Ciraaq ku sheegtay mid lagu soo xad-gudbay madax-banaanideeda.

Ciidamada Turkiga ayaa horey u joogay bilihii lasoo dhaafay dhulka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq oo ay xiriir weyn leeyihiin, waxaana la sheegay inay hada usoo gudbeen dhanka nawaaxiga magaalada Mosuul oo hada xarun u ah kooxda ISIS.
Gaadiidka dagaalka iyo ciidamada Turkiga ayaa la sheegay inay wehliyaan ciidamo ka socda Kurdida iyo waliba Jabhadaha Sunnida ah ee kasoo horjeeda kooxda ISIS.

Related posts

Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka

February 16, 2026
Soomaaliya oo u Hambalyaynaysa Jamhuuriyadda Serbia Maalinta Qaranimada

Soomaaliya oo u Hambalyaynaysa Jamhuuriyadda Serbia Maalinta Qaranimada

February 16, 2026

Guddoomiyaha gobalka Mosuul ee dalka Ciraaq Atheel Nujaifi ayaa la sheegay inuu isaga casumay ciidamada Turkiga inay gacan kasiiyaan la dagaalanka ISIS.

Balse Raysalwasaaraha Ciraaq Xaydar Al Abadi ayaa Saaka oo Sabti ah bartiisa Twitterka ku sheegay in Turkiga kusoo xad-gudbay xaduuda iyo madax-banaanida wadanka Ciraaq.

Xukuumada Baqdaad iyo dowlada Turkiga ayaa horey uga dhaxeysay xurguf la xariirta dhanka Shidaalka Turkiga ka gato ismaamulka Kurdida ee Ciraaq, ganacsigaasi oo aan wax dhaqaale ah kasoo gelin xukuumada Baqdaad.

Imaanshaha ciidamada Turkiga ee gobalka Mosul ayaa sidoo kale caqabad ku ah qorshihii dowlada Ciraaq oo iyadu taageero ka hesha dalka Iran iyo Ruushka, arrintan oo markale si adkeyn doonta xiriirka u dhaxeeya dalalkaasi.

Previous Post

Dowladda Shiinaha oo qubaro u soo direyso Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka

February 16, 2026
0

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Xoojinta...

Soomaaliya oo u Hambalyaynaysa Jamhuuriyadda Serbia Maalinta Qaranimada

Somalia Congratulates Serbia on Statehood Day

February 16, 2026
0

The Federal Government of the Federal Republic of Somalia extends its warm congratulations to the Government and people of the...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

NCA Holds Consultation on Telecom Consumer Protection Regulation

February 16, 2026
0

The National Communications Authority (NCA) held a one-day stakeholder consultation to review and gather feedback on the draft Telecom Consumer...

Soomaaliya oo u Hambalyaynaysa Jamhuuriyadda Serbia Maalinta Qaranimada

Soomaaliya oo u Hambalyaynaysa Jamhuuriyadda Serbia Maalinta Qaranimada

February 16, 2026
0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Serbia munaasabadda Maalinta Qaranimada ee ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In