Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta la wareegeen gacan ku haynta degaanno dhowr ah.
Howlgalkan oo ay hoggaaminayaan Xildhibaanno iyo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku dhaca inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Deegaanada ay Ciidamada la wareegeen ayaa marin muhiim ah u ahaa isu socodka argagixisada, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay qorshe gobolka Shabeellaha Dhexe looga saarayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
๐๐ฎ-๐๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐จ๐๐๐จ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐
Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...











