Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta la wareegeen gacan ku haynta degaanno dhowr ah.
Howlgalkan oo ay hoggaaminayaan Xildhibaanno iyo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku dhaca inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Deegaanada ay Ciidamada la wareegeen ayaa marin muhiim ah u ahaa isu socodka argagixisada, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay qorshe gobolka Shabeellaha Dhexe looga saarayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah
RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...