Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo goordhow warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.
Waxaa la soo bandhigey meydka horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Maleeshiyaadkan oo ahaa kuwii xalay hoobiyaasha kusoo tuuray xaafado ka mid ah Magaalada.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga Qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa lagu soo af-jarey Kooxdaan oo Al-shabaab u qaabilsaneyd arbushida deegaanada hoostaga Dhuusamareeb oo muddooyinkaan ay ku dhuumaaleysanayeen.
Soomaaliya oo ku biirtay Heshiiska QM ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee Caalamiga ah
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Soomaaliya ku biireyso Qaramada Midoobay...