Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo goordhow warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.
Waxaa la soo bandhigey meydka horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Maleeshiyaadkan oo ahaa kuwii xalay hoobiyaasha kusoo tuuray xaafado ka mid ah Magaalada.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga Qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa lagu soo af-jarey Kooxdaan oo Al-shabaab u qaabilsaneyd arbushida deegaanada hoostaga Dhuusamareeb oo muddooyinkaan ay ku dhuumaaleysanayeen.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo...



















