Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo boolis ah oo tabbabar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidamo boolis ah oo tabbabar loogu soo xiray dalka Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti tabbabar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ciidamadan oo muddo saddex bilood ah tabbabar ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa la baray ilaalinta Madaxda, ka hortagga falalka argagixisada iyo kuwa rabshadaha wata, iyadoo munaasabaddii tabbabarka loogu soo xirayay ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Booliska dalalka Talyaaniga iyo Jabuuti oo tababarkaan bixinayay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Cabdullaahi Cabdi Faarax Taliyaha ciidanka booliska dalka Jabuuti ayaa ku booriyay ciidamada tabbabarka dhameystay inay isgarab taagaan ciidanka kale ee ka qeyb qaadanaya amniga guud ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xijaar ayaa ku booriyay ciidamadan in cashirada ay barteen muddadii ay tababarka jireen uga faa’iideeyaan Ciidanka Booliska, isla markaana ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb qaataan xoojinta amniga caasimadda.

 

Previous Post

Golaha Aqalka Sare oo meelmariyay Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika

Next Post
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In