Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo bandhigay horumarka iyo saameynta uu mashruucu ku yeeshay dhismaha iyo horumarinta hannaanka amniga Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in mashruucu uu tobankii sano ee la soo dhaafay door muhiim ah ka qaatay yagleelidda Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, isagoo gacan ka geystay mideynta siyaasadaha, xoojinta hay’adaha amniga, iyo kor u qaadidda aqoonta iyo kartida ciidammada iyo laamaha amniga dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo difaaca, isagoo tilmaamay in taageeradaasi ay muujinayso sida ay UK uga go’an tahay garab istaagga dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha dal nabad ah oo xasilloon.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka, Mudane Aweys Xaaji, iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Danjire Charles King.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Next Post

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Next Post
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In