Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo hore leh oo Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya oo Beledweyne lagu soo dhaweeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamo hore leh oo Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya oo Beledweyne lagu soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bataliyankii labaad oo ka socoda dalka Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa ay maanta soo gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Ciidamadan ayaa loogu magac daray Hiilka labaad oo qeyb ka ah Ciidamada Hiil walaal oo ku sugan gobolka Hiiraan.

Munaasabad loo qabtay Ciidamada cusub oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 4 aad ee Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale, waxaana mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay ay sheegeen in ciidanka uu qeyb ka yahay ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Korneel Cismaan Dubad oo ah Taliyaha Ciidamada Hiil ee ka socoda dalka Jabuuti isla markaana qeybta ka ah howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in ciidamadan ay Al-shabaab ka saari doonaan dhammaan deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Taliyaha qeybta 4 aad ee AMISOM Korneel C/raxmaan Dhimbil waxaana uu sheegay in qeyb kale oo sadexaad ay iman doonto Soomaaliya kuwaas oo ka qeyb qaadanaya howlaha nabad sugidda ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu dowladda Jabuuti ugu mahadceliyay sida ay shacabka Soomaaliyeed u garab taagan yihiin isagoo sidoo kale sheegay in shacaka ku nool gobolka Hiiraan ay la shaqeyn doonaan Ciidamada Hiil Walaal oo ka socoda dalka Jabuuti.

Previous Post

Jawaari: sanadka 2016-ka dalka doorasho ayaa lagu qaban doonaa

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In