Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo hore leh oo Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya oo Beledweyne lagu soo dhaweeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamo hore leh oo Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya oo Beledweyne lagu soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bataliyankii labaad oo ka socoda dalka Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa ay maanta soo gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Ciidamadan ayaa loogu magac daray Hiilka labaad oo qeyb ka ah Ciidamada Hiil walaal oo ku sugan gobolka Hiiraan.

Munaasabad loo qabtay Ciidamada cusub oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 4 aad ee Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale, waxaana mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay ay sheegeen in ciidanka uu qeyb ka yahay ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Korneel Cismaan Dubad oo ah Taliyaha Ciidamada Hiil ee ka socoda dalka Jabuuti isla markaana qeybta ka ah howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in ciidamadan ay Al-shabaab ka saari doonaan dhammaan deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Taliyaha qeybta 4 aad ee AMISOM Korneel C/raxmaan Dhimbil waxaana uu sheegay in qeyb kale oo sadexaad ay iman doonto Soomaaliya kuwaas oo ka qeyb qaadanaya howlaha nabad sugidda ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu dowladda Jabuuti ugu mahadceliyay sida ay shacabka Soomaaliyeed u garab taagan yihiin isagoo sidoo kale sheegay in shacaka ku nool gobolka Hiiraan ay la shaqeyn doonaan Ciidamada Hiil Walaal oo ka socoda dalka Jabuuti.

Previous Post

Jawaari: sanadka 2016-ka dalka doorasho ayaa lagu qaban doonaa

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In