Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidan ilaaliya canshuuraha oo tababar loo soo xirey

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ciidan ilaaliya canshuuraha oo tababar loo soo xirey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidamo gaar ah oo loogu tala galay inay ilaaliyaan canshuuraha berriga ee ay dowladdu qaado, iyadoo  Ciidamadani maanta  loo soo xiray tababar ay ku baranayeen sida loo ilaaliyo canshuuraha berriga iyo guud ahaan waxa ay yihiin canshuurahaas.

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka ayaa ka dhacday Muqdisho gaar ahaan Dugsiga Tababarka Gen Kaahiye . Waxaana kasoo qayb galay wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Saraakiisha Ciidanka Boliiska iyo marti sharaf kale.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Inta munaasabadda aysan bilaaban ka hor ayaa ciidamada waxa ay soo bandhigeen gaada ka cayaar qurux badan oo ka turjumeysay sida ay ugu diyaarsanyihiin howsha laga sugayo, waxaana taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Wasiiru dowlaha salaam sharaf ay ka qaateen ciidamada.

Taliyaha  hogaanka  ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska  Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi  Xasan Bariise  oo munaasabadda ka hadlay ayaa  ku booriyey  ciidamada tababarka loo soo xiray in looga  baahan yahay  in dadka ula dhaqmaan si wanaagsan oo ay asluub ku dheehan tahay isla markaana waxaa uu shacabka dhankooda ka codsaday in ay bixiyaan caanshuurta ku waajibtay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guute Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamadani looga baahanyahay in xil ay iska saaraan waajibaadka shaqo ee laga doonayo oo ah cashuur uruurinta iyo ilaalinta daqliga Dowladda.

Wasiiru dowladaha Maaliyadda Mudane C/laahi Maxamed Nuur oo gebagebadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii si habsami leh ugu socon lahaayeen howlaha canshuur qaadista ah.

Shacabka reer Muqdisho ayaa soo dhaweynaya dardargalinta canshuurta oo saldhigan u noqoneyso dhismaha iyo horumarinta dalka, waxaana ay qabaan haddii si wanaagsan loo maamulo dakhliga ka soo xaroodo in horumarkaasi uu dareemi doono qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.

vlcsnap-2015-06-05-15h19m27s148 vlcsnap-2015-06-05-15h19m51s136 vlcsnap-2015-06-05-15h19m59s216 vlcsnap-2015-06-05-15h20m06s23 vlcsnap-2015-06-05-15h20m13s100 vlcsnap-2015-06-05-15h20m27s233 vlcsnap-2015-06-05-15h20m38s90 vlcsnap-2015-06-05-15h20m54s248 vlcsnap-2015-06-05-15h21m52s64 vlcsnap-2015-06-05-15h22m26s146

Previous Post

Barnamijka kulanka todobaadka oo looga howlahay wasaaradda arrimaha gudaha ay xilligan ka waddo dalka “dhageyso”

Next Post

Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Next Post
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In