Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidan ilaaliya canshuuraha oo tababar loo soo xirey

caqiil by caqiil
June 5, 2015
in Wararka
0
Ciidan ilaaliya canshuuraha oo tababar loo soo xirey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidamo gaar ah oo loogu tala galay inay ilaaliyaan canshuuraha berriga ee ay dowladdu qaado, iyadoo  Ciidamadani maanta  loo soo xiray tababar ay ku baranayeen sida loo ilaaliyo canshuuraha berriga iyo guud ahaan waxa ay yihiin canshuurahaas.

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka ayaa ka dhacday Muqdisho gaar ahaan Dugsiga Tababarka Gen Kaahiye . Waxaana kasoo qayb galay wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Saraakiisha Ciidanka Boliiska iyo marti sharaf kale.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Inta munaasabadda aysan bilaaban ka hor ayaa ciidamada waxa ay soo bandhigeen gaada ka cayaar qurux badan oo ka turjumeysay sida ay ugu diyaarsanyihiin howsha laga sugayo, waxaana taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Wasiiru dowlaha salaam sharaf ay ka qaateen ciidamada.

Taliyaha  hogaanka  ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska  Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi  Xasan Bariise  oo munaasabadda ka hadlay ayaa  ku booriyey  ciidamada tababarka loo soo xiray in looga  baahan yahay  in dadka ula dhaqmaan si wanaagsan oo ay asluub ku dheehan tahay isla markaana waxaa uu shacabka dhankooda ka codsaday in ay bixiyaan caanshuurta ku waajibtay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guute Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamadani looga baahanyahay in xil ay iska saaraan waajibaadka shaqo ee laga doonayo oo ah cashuur uruurinta iyo ilaalinta daqliga Dowladda.

Wasiiru dowladaha Maaliyadda Mudane C/laahi Maxamed Nuur oo gebagebadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii si habsami leh ugu socon lahaayeen howlaha canshuur qaadista ah.

Shacabka reer Muqdisho ayaa soo dhaweynaya dardargalinta canshuurta oo saldhigan u noqoneyso dhismaha iyo horumarinta dalka, waxaana ay qabaan haddii si wanaagsan loo maamulo dakhliga ka soo xaroodo in horumarkaasi uu dareemi doono qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.

vlcsnap-2015-06-05-15h19m27s148 vlcsnap-2015-06-05-15h19m51s136 vlcsnap-2015-06-05-15h19m59s216 vlcsnap-2015-06-05-15h20m06s23 vlcsnap-2015-06-05-15h20m13s100 vlcsnap-2015-06-05-15h20m27s233 vlcsnap-2015-06-05-15h20m38s90 vlcsnap-2015-06-05-15h20m54s248 vlcsnap-2015-06-05-15h21m52s64 vlcsnap-2015-06-05-15h22m26s146

 

 

Previous Post

Barnamijka kulanka todobaadka oo looga howlahay wasaaradda arrimaha gudaha ay xilligan ka waddo dalka “dhageyso”

Next Post

Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Next Post
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In