Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Xuseen Xasan Cismaan oo la hadlay Qaar ka Mid ah Saraakiisha Ciidamada Asluubta ayaa waxuu kala hadlay in ay u diyaargarooban Sanada Guurada Asaaska Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-bisha soo socota ee Febraayo.
Xuseen Xasan Cisamaan ayaa sheegay in la sameynaayo guddi gaar ah oo loogu talagalay hammaamuuska sanad guurada dhowaan ay u dabaal dagayaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
Sanadkasta Marka la gaaro 22 Febraayo ayaa waxaa dalka lagu xusaa aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la unkay sanadku markuu ahaa 1970-kii.