Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa howlgal ay sameyeen kadib gacanta kusoo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.
Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay.
Taliska Qeybta guud ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigayo si shacabka kunool Gobolkan Banaadir nabad ugu naaloodaan.
Shacabka Magaalada muqdisho ayaa inta badan ka cawdo kooxa burcad hubeeysan oo dilal iyo dhac u geystay dadka rer muqdisho,iyadoo ay xusid mudantahay in laamaha amniga aniga ay howlgallo ku soo qabteen qaar kamid ah burcada oo la soo qabtay iyagoo ku guda jira falal dhac ay ugu geysanayeen shacabka magaalada Muqdisho