Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali(Cadaawe Jiib) oo ku eedeysan falal lid ku ah sharciga dalka.
Eedeysanaha oo ah askari katirsan Ciidanka xoogga ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo arrimmo kale oo salka ku haya ama ku lug leh kicin bulsho.
Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile oo ka hadlay xarigga ninkaasi ayaa shegay in eedeysanahaasi horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada ,iyagoo ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed in haddii ay la kulmaan falal ammaanka liddi ku ah ay la xariiraan xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ama nambarka 991 ama kusoo hagaajiย [email protected].