Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Booliska oo maanta si rasmi ah ula wareegay Ammaanka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 28, 2018
in Wararka
0
Ciidanka Booliska oo maanta si rasmi ah ula wareegay Ammaanka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska, Asluubta iyo Xoogga dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Dawladda Uganda ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday AMISOM, ayaa maanta kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.

Masuuliyiintaan, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka uu ka kooban yahay, waxaana halkaasi ay kula kulmeen Kumanaan Shacab ah oo banaanbax lagu taageerayey dib u howlgelinta garoonka ku qabtay halkaasi.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Ciidanka AMISOM ,ayaa gabi ahaan maanta ka guuray Garoonka Muqdisho Stadium, waxaana amniga ay ku wareejiyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Daraawiishta.

Munaasabad kooban oo si rasmi ah loogu wareejinayey Ammaanka garoonka Stadium Muqdisho Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay gudaha garoonka, waxaana halkaasi heeso wadani ah kusoo bandhigay Kooxaha fanka ee Heegan iyo Onkod.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska manta uu si rasmi ah ula wareegay Garoonka Stadium Muqdisho, waxaana uu xusay in Shacabka ay aad ugu farxeen in garoonka ay ka baxaan AMISOM, si dib loogu howl galiyo.

Previous Post

“Daawo+Sawirro” Degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale oo Galabta mar kale isku arkay Ciyaaraha Galmudug

Next Post

Dhalinyaro is abaabushay oo la dagaalamaya Al-Shabaab

Next Post
Dhalinyaro is abaabushay oo la dagaalamaya Al-Shabaab

Dhalinyaro is abaabushay oo la dagaalamaya Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In