Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Danab ee XDS oo khasaare ballaaran u geystay maleeshiyaadka Al Shabaab

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Danab ee XDS oo khasaare ballaaran u geystay maleeshiyaadka Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey maliishiyaadka argagixisada Al Shabaab degaanka Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah argagixisada, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Ciidanka Danab iyo kuwa Midowga Afrika ayaa markii ay goobtaasi gaareen waxaa iska caabbin ay kala kulmeen argagixisada Al Shabaab, laakiin ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray Danab iyo AMISOM midkoodna.

Degaanka Aw-Dheegle ayaa waxaa Al Shabaab ay ku lahaayeen baro ay si sharci darro ah dadka lacago uga qaataan.

Ciidammada huwanta ayaa maalmahan gobolka Shabeellaha Hoose ka wadey hawlgalo culus oo ay ku waxyeeleynayaan dhaqdhaqaaqyada kooxda argagixisada Al Shabaab ay gobolka ka waddo.

Hawlgalka Aw-Dheegle ayaa noqonayaa mid ay ku diirsan doonaan shacabka degaankaasi, maadaama ay meesha ka baxayaan lacagihii sida khasabka looga qaadan jirey iyo falalkii argagixisonimo ee ay Al Shabaab kala kulmi jireen.

Ciidanka Danab oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno si gaar ah loogu tababarey inay la dagaalamaan, isla markaana baabi’iyaan argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya ku sugan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.

Previous Post

In ka badan 10-ruux oo ku dhintay qaraxyadii saaka Mudisho ka dhacay

Next Post

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inay jiraan xadgudubyo ka dhan ah Umadda Carabta

Next Post
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inay jiraan xadgudubyo ka dhan ah Umadda Carabta

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inay jiraan xadgudubyo ka dhan ah Umadda Carabta

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In