Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Danab ee XDS oo khasaare ballaaran u geystay maleeshiyaadka Al Shabaab

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Danab ee XDS oo khasaare ballaaran u geystay maleeshiyaadka Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey maliishiyaadka argagixisada Al Shabaab degaanka Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah argagixisada, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Ciidanka Danab iyo kuwa Midowga Afrika ayaa markii ay goobtaasi gaareen waxaa iska caabbin ay kala kulmeen argagixisada Al Shabaab, laakiin ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray Danab iyo AMISOM midkoodna.

Degaanka Aw-Dheegle ayaa waxaa Al Shabaab ay ku lahaayeen baro ay si sharci darro ah dadka lacago uga qaataan.

Ciidammada huwanta ayaa maalmahan gobolka Shabeellaha Hoose ka wadey hawlgalo culus oo ay ku waxyeeleynayaan dhaqdhaqaaqyada kooxda argagixisada Al Shabaab ay gobolka ka waddo.

Hawlgalka Aw-Dheegle ayaa noqonayaa mid ay ku diirsan doonaan shacabka degaankaasi, maadaama ay meesha ka baxayaan lacagihii sida khasabka looga qaadan jirey iyo falalkii argagixisonimo ee ay Al Shabaab kala kulmi jireen.

Ciidanka Danab oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno si gaar ah loogu tababarey inay la dagaalamaan, isla markaana baabi’iyaan argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya ku sugan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.

Previous Post

In ka badan 10-ruux oo ku dhintay qaraxyadii saaka Mudisho ka dhacay

Next Post

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inay jiraan xadgudubyo ka dhan ah Umadda Carabta

Next Post
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inay jiraan xadgudubyo ka dhan ah Umadda Carabta

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inay jiraan xadgudubyo ka dhan ah Umadda Carabta

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In