Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Ee Danab Oo Howlgal Ku Dilay Horjoogeyaal Ka Tirsan Argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Danab oo howlgal ka fuliyay degaanno hoostaga Magaalada Kismaanyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab ayaa waxay ku dileen horjoogeyaal muhiim u ahaa  maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo dhagar u qorsheynayey shacabka.

Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan Tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmada Walan-weyn, halkaasi oo ay  ku dileen horjoogeyaal ay ka mid yihiin Cabdicasiis Awoowe oo argagixisada u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada Hoose, horjoogihii qaraxyada Gobolka Shabeelaha Hoose (Abuu-qadaab) iyo lix maleeshiyaad ah oo la socday sida ay Warbaahinta codka ciidamadda qalabka sida u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab ee hawlgalkaasi fulinayey.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Hawlgalkaan qorsheysnaa ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay goob maxkamad beenaad u aheyd Argagixisada oo dadka shacabka ah ay ku baadi jireen, iyadoo Danab intii hawlgalka ay kuguda jireen ay kusoo qabteen liis ay ku qoran yihiin magacyada, nambarada iyo meelaha ay kala joogaan sixiroolayaasha Al-Shabaab ay ummadda u adeegsadaan.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgallada lagu baacsanayo horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka baxsadka ah ee ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

Daacigii Weynaa Ee U Dhashay Masar Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq Oo Geeriyooday

Next Post

AUN Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo Xalay ku Geeriyooday Mareykanka

Next Post
AUN Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo Xalay ku Geeriyooday Mareykanka

AUN Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo Xalay ku Geeriyooday Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In