Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AUN Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo Xalay ku Geeriyooday Mareykanka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
AUN Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo Xalay ku Geeriyooday Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allah u naxariistee, waxaa xalay isbitaal ku yaala magaalada Miniapples ee dalka Mareykanku ku geeriyooday, rug caddaa saxaafadeed Cabduqaadir Maxamed Mursal oo muddo aad u dheer ku soo jirey mihnidda warbaahinta, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Wariye Cilmi Maxamed Waare, oo ku sugan Mareykanka isla markaana ay asxaab ahaayeen saxafiga ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in uu xalay geeriyooday Cabduqaadir Maxamed Mursal oo muddo labo bilood ah ku jirey isbitaal.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Waxaa uu intaas ku daray in saxafiga oo haleeley cudurka safmarka ah ee COVID-19 hase yeeshee uu ka bogsooday, balse dhakhaatiirta ayaa sheegay in xanuunkaas uu waxyeeleeyay sanbabada taasna uu hadda u geeriyooday, Allah u naxariistee.

Cabduqaadir Maxamed Mursal, waxaa uu kamid ahaa wariyeyaashii ka howlgali jirey Radio Muqdisho todobaataneeyadii, tan iyo waagaas waxaa uu ka tirsanaa bahda saxaafadda oo khibradiisa ugu faa’ideyn jirey wariyeyaasha da’da yar.

Cabduqaadir, oo muddo ku noolaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu ka ahaa agaasimaha Idaacadda Ergo oo horey loo oran jirey Irin oo arrimaha bani aadanimada ka shaqeysa, sidoo kale waxaa uu ahaa tababare saxaafadeed.

Wariye Cilmi Waare, ayaa sheegay in tan iyo 2014 uu Mareykanka ku noolaa halkaas oo ay degan yihiin qoyskiisa, sidoo kale Allah u naxariistee Cabduqaadir inta uu Mareykanka joogay waxaa uu Idaacad Af-Soomaali ku hadasha ka aas aasay magaalada Miniapples oo ilaa iyo hadda shaqeysa.

Previous Post

Ciidanka Kumaandooska Ee Danab Oo Howlgal Ku Dilay Horjoogeyaal Ka Tirsan Argagixisada

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal

Wasiirka Warfaafinta oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In