Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka kumaandooska oo gacanta ku dhigay horjooge ku sugnaa deegaanka Toorotoorow “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka kumaandooska oo gacanta ku dhigay horjooge ku sugnaa deegaanka Toorotoorow “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 16-aad ee DANAB ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab kalawareegay DegaankaTooratorow oo hoosyimaada Degmada Aawdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ciidanka waxa ay argagixisada kaga sifeeynayeen deegaanada ay ku dhibaateyaan  Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaacil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay inta uu howlgalka socday ay ciidamada kuqabteen 10 ka tirsan Maleshiyaadka argagixisada Al-Shabaab oo uu ka midyahay Horjoogihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose Macalin Abuukar oo haatan kujira gacanta Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in deegaaka Tooratoorow ay kutaalay maxkamad ay ku baadijireen Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu qaadijiray lacagaha baadda ah.

Shacabka ku dhaqan degaannada Tooratoorow iyo Farsooleey ayaa ciidanka soo dhaweey waxeeyna codsadeen in lasoo gaarsiiyo gargaar maadamaa Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ay ku hayeen.

Howlgalkaani ayaa qeyb ka ah howlgallo Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB kaga saarayaan aragagixisada deegaanada ay ku dhuumaaleeysanayaan ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Hey’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo qaabishay wafdiga ka socda hay’adda caafimaadka adduunka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo qaabishay wafdiga ka socda hay’adda caafimaadka adduunka “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka oo qaabishay wafdiga ka socda hay’adda caafimaadka adduunka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In