Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab Oo Saldhig Cusub Ka Sameystay Jowhar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab Oo Saldhig Cusub Ka Sameystay Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo inta badan gobolada dalka ay howlgallo lagu sifeeynayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ka wadaan ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayay saldhig cusub ka sameeysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, isla markaana ah caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay saldhigan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada looga xoreynayo argagixisada Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

“Ciidanka Kumaandooska waxeey xarumo kuleeyihiin Juballand, Koonfurgalbeed, Galmudug, haddana Hirshabeele ayay ka sameeysteen dhowaan waxaan dalka oo dhan ay ka xoreeyn doonaan argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta, waxaana uu intaa ku daray inay ciidanka ay cagta mariyeen jidgooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, wadanuna ay ka saaraan miinooyin dhulka lagu aasay.

Guud ahaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolada dalka ka ayaa waxa ay wadaan howlgallo lagu cirib tirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee caadeeystay daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo haatan ciidanka ay kasaareen degaanno badan, lana qorsheynayo in laga sifeeyo goobaha fara ku turiska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In