Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumandoska ee Danab oo burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumandoska ee Danab oo burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka XDS qeybtiisa Kumandooska ee loo yaqaano Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen Habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta degaanka Goobaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku bur buriyeen saldhig ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Degaanka Goobaanle ayaa saldhig ay isku uruursadaan u ahaa maleeshiyaadka Shabaab, hase yeeshee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo adeegsanaya xeelado sare oo dhanka dagaalka ah ayaa si fudud halkaasi ku galey, isla markaana burburiyey dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ay ka wadeen argagixisada, iyagoo aan la kulmin wax iska caabbin ah oo sidaa u weyn.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026

Goobtaan ayaa argagixisada waxay u adeegsan jireen inay ku kaydsadaan hubka iyo qalabka kale ee dagaalka ee ay u adeegsadaan weerarada argagixiso ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan ee gobolka ku nool.

Jabkani ayaa waxaa uu ka dhigan yahay guul u soo hoyatey shacabka degaanka Goobaanle iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa dhowaanahan guuldarooyin waaweyn loogu geystey goobo ka baxsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida gobolka Jubbada Hoose iyo goobo kale.

Ciidammada Danab ee sida gaarka ah u tababaran  ayaa hawshooda ay tahay inay meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay kula dagaalamaan argagixisada Al Shabaab.

Guulahan ayaa muujinaya in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay argagixisada Shabaab ka suuliyaan Soomaaliya oo dhan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay ciidamadaasi ka fuliyeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan goobaha ay weli maleeshiyaadka Shabaab dalka uga harsanyihiin.

Previous Post

Obama oo beeniyay in dadka Mareykanku kala qeybsameen

Next Post

Golaha ammaanka oo ku gacanseyray codsigii Kenya ee ahaa in AMISOM la hoos geeyo Q. M.

Next Post
Golaha ammaanka oo ku gacanseyray codsigii Kenya ee ahaa in AMISOM la hoos geeyo Q. M.

Golaha ammaanka oo ku gacanseyray codsigii Kenya ee ahaa in AMISOM la hoos geeyo Q. M.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In