Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumandoska ee Danab oo burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumandoska ee Danab oo burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka XDS qeybtiisa Kumandooska ee loo yaqaano Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen Habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta degaanka Goobaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku bur buriyeen saldhig ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Degaanka Goobaanle ayaa saldhig ay isku uruursadaan u ahaa maleeshiyaadka Shabaab, hase yeeshee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo adeegsanaya xeelado sare oo dhanka dagaalka ah ayaa si fudud halkaasi ku galey, isla markaana burburiyey dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ay ka wadeen argagixisada, iyagoo aan la kulmin wax iska caabbin ah oo sidaa u weyn.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Goobtaan ayaa argagixisada waxay u adeegsan jireen inay ku kaydsadaan hubka iyo qalabka kale ee dagaalka ee ay u adeegsadaan weerarada argagixiso ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan ee gobolka ku nool.

Jabkani ayaa waxaa uu ka dhigan yahay guul u soo hoyatey shacabka degaanka Goobaanle iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa dhowaanahan guuldarooyin waaweyn loogu geystey goobo ka baxsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida gobolka Jubbada Hoose iyo goobo kale.

Ciidammada Danab ee sida gaarka ah u tababaran  ayaa hawshooda ay tahay inay meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay kula dagaalamaan argagixisada Al Shabaab.

Guulahan ayaa muujinaya in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay argagixisada Shabaab ka suuliyaan Soomaaliya oo dhan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay ciidamadaasi ka fuliyeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan goobaha ay weli maleeshiyaadka Shabaab dalka uga harsanyihiin.

Previous Post

Obama oo beeniyay in dadka Mareykanku kala qeybsameen

Next Post

Golaha ammaanka oo ku gacanseyray codsigii Kenya ee ahaa in AMISOM la hoos geeyo Q. M.

Next Post
Golaha ammaanka oo ku gacanseyray codsigii Kenya ee ahaa in AMISOM la hoos geeyo Q. M.

Golaha ammaanka oo ku gacanseyray codsigii Kenya ee ahaa in AMISOM la hoos geeyo Q. M.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In