Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SAWIRO : Ciidanka NISA oo soo bandhigay Burcad ay soo qabteen iyo xubin ka tirsan Al-shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
SAWIRO : Ciidanka NISA oo soo bandhigay Burcad ay soo qabteen iyo xubin ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta soo bandhigay Rag lagu soo qabtay fal burcad nimo ah oo ay ka wadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Raggan oo ay tiradoodu ahayd Saddex ayaa la sheegay inuu mid ka mid ihi baxsaday xilligii uu hawl-galkan fulinayeen Ciidanku,halka Labada kalena loo taxaabay xabsiga si looga sameeyo baaritaanno ku aaddan falka dhaca ah ee ay halkaasi ka wadeen,loona waafajiyo sharciga.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad sugidda qaranka gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax (Faran far) ayaa SONNA u sheegay inay raggani ku qaraaban jireen magaca hay’adda Nabad Sugidda isla markaana dadka ka qaata wixii ay haystaan.

Guddoomiyaha waaxda 1da Lulyo ee degmada Yaaqshiid Cabdi Mahad Axmed Sangaab ayaa sheegay inay raggan iska soo abaabuli jireen Guri ku yaalla xaafadda uu ka arrimiyo, wuxuuna intaa raaciyay in ay adeegsan jireen agab Millitery sida qoryo, baastoolado, Mindiyo IWM.

“Burcaddan waxay adeegsan jireen gaari kaarib ah,waxay ku xaraysan jireen geerash xaafadda ku yaalla, waxay isu ekeysiin jireen shirkad isgaarsiineed,waxay samaysteen boor uu ku qoran yahay magaca Wardoon Telecom,iyagoo ka been sheegi jiray magaca hay’adda Nabad sugidda Qaranka, ayuu yiri guddoomiyhu.

Qaar ka mida dadka dhibbanayaasha ahaa ee ay dhaceen Burcaddan abaabulan ayaa sheegay inay saq dhexe u iman jireen iyagoo isugu sheegi jiray inay yihiin nabad sugidda qaranka,iyagoo dabeeta ka qaata Mobillada,kambayuutarrada gacanta,Lacag,Baasaboorro, ID kaarro ,Shahaadooyin iyo wiixii kale ee ay gacantooda qabato.

Afhayeenka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar xalane ayaa sheegay inay raggani ahaayeen kuwo u dhaqmi jiray si anshax xumo ah, isla markaan wasaqeeyay magaca dhallin yarada degaankaas maaddaama ay dhici jireen waxyaabo aan laftooda muhiim u ahayd sida kaar aqoonsi iyo shahaadooyin jaamacadeed.

Xalane ayaa ugu dambayn u mahad celiyay shacabkii gacanta ka geysta ka geystay soo qabashada Burcadda iyo Ciidamadii kaalinta ka geystay inay hor keenaan dadkii dhibbanayaasha u ahaa oo ka war sugaya caddaaladda,wuxuuna ballan qaaday in sharciga la marin doono cid walbana loo celin doono wixii laga qaatay.

Ciidanka nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sidoo kale hawl-galkoodii maanta waxay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-shabaab, kaasoo uu taliye ku xigeenka nabad sugidda qaranka gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax sheegay iney ku raadjoogeen maantana ay u suurto gashay iney gacanta kusoo dhigaan Ciidanka NISA caddaaladana la marin doono.

SONNA/NewsH11H10H9H12H13H14H16H17H18H19H20H21H22H23H24H26

Previous Post

Gudoomiye Jawaari oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannseburg

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo Nairobi ku Qabatay Shir muhiima ku qabatay

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Wasaaradda Maaliyadda oo Nairobi ku Qabatay Shir muhiima ku qabatay

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In