Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SAWIRO : Ciidanka NISA oo soo bandhigay Burcad ay soo qabteen iyo xubin ka tirsan Al-shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
SAWIRO : Ciidanka NISA oo soo bandhigay Burcad ay soo qabteen iyo xubin ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta soo bandhigay Rag lagu soo qabtay fal burcad nimo ah oo ay ka wadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Raggan oo ay tiradoodu ahayd Saddex ayaa la sheegay inuu mid ka mid ihi baxsaday xilligii uu hawl-galkan fulinayeen Ciidanku,halka Labada kalena loo taxaabay xabsiga si looga sameeyo baaritaanno ku aaddan falka dhaca ah ee ay halkaasi ka wadeen,loona waafajiyo sharciga.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad sugidda qaranka gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax (Faran far) ayaa SONNA u sheegay inay raggani ku qaraaban jireen magaca hay’adda Nabad Sugidda isla markaana dadka ka qaata wixii ay haystaan.

Guddoomiyaha waaxda 1da Lulyo ee degmada Yaaqshiid Cabdi Mahad Axmed Sangaab ayaa sheegay inay raggan iska soo abaabuli jireen Guri ku yaalla xaafadda uu ka arrimiyo, wuxuuna intaa raaciyay in ay adeegsan jireen agab Millitery sida qoryo, baastoolado, Mindiyo IWM.

“Burcaddan waxay adeegsan jireen gaari kaarib ah,waxay ku xaraysan jireen geerash xaafadda ku yaalla, waxay isu ekeysiin jireen shirkad isgaarsiineed,waxay samaysteen boor uu ku qoran yahay magaca Wardoon Telecom,iyagoo ka been sheegi jiray magaca hay’adda Nabad sugidda Qaranka, ayuu yiri guddoomiyhu.

Qaar ka mida dadka dhibbanayaasha ahaa ee ay dhaceen Burcaddan abaabulan ayaa sheegay inay saq dhexe u iman jireen iyagoo isugu sheegi jiray inay yihiin nabad sugidda qaranka,iyagoo dabeeta ka qaata Mobillada,kambayuutarrada gacanta,Lacag,Baasaboorro, ID kaarro ,Shahaadooyin iyo wiixii kale ee ay gacantooda qabato.

Afhayeenka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar xalane ayaa sheegay inay raggani ahaayeen kuwo u dhaqmi jiray si anshax xumo ah, isla markaan wasaqeeyay magaca dhallin yarada degaankaas maaddaama ay dhici jireen waxyaabo aan laftooda muhiim u ahayd sida kaar aqoonsi iyo shahaadooyin jaamacadeed.

Xalane ayaa ugu dambayn u mahad celiyay shacabkii gacanta ka geysta ka geystay soo qabashada Burcadda iyo Ciidamadii kaalinta ka geystay inay hor keenaan dadkii dhibbanayaasha u ahaa oo ka war sugaya caddaaladda,wuxuuna ballan qaaday in sharciga la marin doono cid walbana loo celin doono wixii laga qaatay.

Ciidanka nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sidoo kale hawl-galkoodii maanta waxay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-shabaab, kaasoo uu taliye ku xigeenka nabad sugidda qaranka gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax sheegay iney ku raadjoogeen maantana ay u suurto gashay iney gacanta kusoo dhigaan Ciidanka NISA caddaaladana la marin doono.

SONNA/NewsH11H10H9H12H13H14H16H17H18H19H20H21H22H23H24H26

Previous Post

Gudoomiye Jawaari oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannseburg

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo Nairobi ku Qabatay Shir muhiima ku qabatay

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Wasaaradda Maaliyadda oo Nairobi ku Qabatay Shir muhiima ku qabatay

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In