Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS oo howlgal qorsheysan ka wada gobolka Shabeelaha Hoose

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo howlgal qorsheysan ka wada gobolka Shabeelaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaaray deegaanada Aw-dheegle iyo Bariirre oo ka wada tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo waramaya in ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay weerar ku qaadeen deegaanada Bariirre iyo Aw-dheegle oo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan taliska xoogga dalka Soomaaliya ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee “Danab” iyo ciidamo ka tirsan AMISOM ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen deegaanada Bariirre iyo Aw-dheegle halkaasina iyo ku soo qabqabteen saanad ciidan, Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab iyagoo sidoo kalane sheegay in ay soo furteen maxaabiis u xirneyd kooxda Al-shabaab.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026

Lama oga Illaa hadda khasaaraha ka dhashay howlgalka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qaadeen, iyadoo wali howlgalladu socdaan.

Taliska xoogga dalka ayaa hore u sheegay in ay xoojiyeen weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, iyagoo xusay in marka uu soo dhamaado howlgalka maanta la qaaday ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalladaasi.

Previous Post

Barnamijka Fanka iyo Fannaanka Ee Radio Muqdisho” Ku Dhageyso Fannaanada Xaawa kiin”

Next Post

Madaxweynaha oo la kulmay mas’uul QM ka tirsan

Next Post
Madaxweyne Xasan oo Jarmalka kaga qeybgalaya shirka caalamiga ee amniga iyo Ka hortagga xasaradaha dunida

Madaxweynaha oo la kulmay mas’uul QM ka tirsan

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka...

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In