Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddooyinka soo gala Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay Ciidanka Kumaandooska GORGOR, gaar ahaan Cutubka Miino baarista, waxaa miino baarista laga sameeyay inta u dhaxaysa degaannada Shamgare, Jowhar yareey, mubaarak iyo xaafadaha degmada Awdheegle.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Howlgalka ayaa waxaa Hogaaminayay Taliyaha Guutada 17-aad kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale.

Ciidanka gaarka ah ee Miino baarista kumaandooska GORGOR ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo saareen Miinooyin dhowr ah, iyagoo qarxiyey qaar kale oo Maleeshiyada Argagixisada ah ay ku aaseen waddooyinka ay shacabku maraan.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ku Bogaadiyay Ciidanka Miino baarista GORGOR kaalinta ay ka qaateen fashilinta dhagartii ay Maleeshiyadu la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyerd.

Previous Post

Xukuumadda oo beenisay dacaayado ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka

Next Post

Meydka Sheekh Maxamed Xasan oo laga helay Clombus Ohio

Next Post
Meydka Sheekh Maxamed Xasan oo laga helay Clombus Ohio

Meydka Sheekh Maxamed Xasan oo laga helay Clombus Ohio

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In