Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo beenisay dacaayado ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda oo beenisay dacaayado ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen dacaayado been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Wasiir Cadaala oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa beeniyay wararka been abuurka ah oo uu sheegay inay abaabuleen kooxo doonaya inay magac dilaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dadaal badan ku bixiyay sidii dalkan uu uga baaqsan lahaa dagaal, kuna guuleystay in dalka ay ka dhacdo Doorashada Golaha Aqalka Sare iyo tan Golaha shacabka oo bilow fiican mareysa, ayna ka go’antahay Ra’iisul Wasaaruhu in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waa Nasiib darro in dacaayadaas raqiiska ah loo adeegsado saraakil ciidan iyo xarumo dowladeed, Ra’iisul Wasaaraha markii uu arrinkaas arkay, waxa uu u maray
In lagu saxo dariiqa hay’adaha dowladda”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala oo hadalkiisa ku daray in guddiyada howsha baarista ah loo diray lagu sameeyay faragelin.

“Ra’iisul Wasaaraha mas’uuliyad aya ka saaran hirgelinta doorashada, Xukuumadda waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiineysaa inaysan dooneyn in dalka laga sameeyo talaabooyin qaldan oo baalmarsan sharuucda dalka u yaalo”. Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan Xukuumadda oo ay gacan ku siiyan gudashada waajibadka ka saaran hirgelinta doorashada lagu heshiiyay.

Previous Post

Ethiopia government says military won’t cross into Tigray

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In